Looxa 24/07/2011
“Ama horay ayaad u badatay (Duq baad tahay) mise ilbax ma tihid wali” ? Maalin kastaan maqlaa. Reer Baadiye ayaad tahay ayaa la ii daba dhigaa, haddaan qoraalka ku dhex qoslo waad ila yaabi doontaan mise waxaad iga sugaysaan inaan sida shabakadaha xiriirka bulshada sida looga qoslo aan anna ugu qoslo qoraalka? kkkkkkk maad iga sugeysaan? MAYA qoraalka laguma daro qosolka sidaas ah, ha ka yaabin, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaan fuuray qosol dartii .
Axmedoow, waxaan kugu doortay baaba ah sida aadan iskaga dhigin dad kale, kaligaa baa isku muuqda, waad isku kalsoon tahay, sida aad reer baadiyenimadaada ugu qanacsan tahay ayaanba ka helay, xittaa adigoo wax bartay, isku kalsoonaan ayaa wajigaaga ka muuqata.
Alloow Alle, Axmedoow gacale, maxaa la iska og yahay ?
Soow kulama aha in ruux walbaa la siiyo xaqa uu leeyahay iyo xuquuqdaba? Gacaloow, soow ruux walbaa doorasho ma laha? waa iga talee, may naga dhaafaan in dacalka la is heysto, sow kulama aha in aan qof walbaa dooqiisa iyo xornimadiisa lagu maxkamadeyn, caqliga wanaagsan soow sidaas kuma qeyliyo ina adeer?
Gabar aan garanaayaa igu tiri waa cawaandi, Axmedoow gacale, waxba ha yaabin, anigaba waan iska qoslayee, maxaadba iskugu wareerin, maxaa yeelay anigaba waa isoo martay bari aan wax kastaa dhihi jiray waxaas waa laga ilbaxay, haddase waxaan is weydiiyaa oo ma adiga ayaa iska ilbixi kara ? adiga, adiga lee waaye, iskama ilbixi kartid ayaan isku sheegaa bal wax ka dheh. Waa saasoo aan magaalo ku dhashay, haddana nasiib markaan u yeeshay inaan dadka kalena waxooda aan soo barto, waxeyga magaalada aan heysto indhahaa ii waaweynaaday.
Axmedoow, kuma lihi magaalo ma aadan arkin se adiga ayaa adiga ahaa, qof kale ma ahayn, xittaa haddii laguugu yiri wax ka matal riwaayad aad ku mataleyso nin dhaqanka diid ah, oo iska dhigaya dadyoow kale weli waxaa kaa muuqday Axmed Moogenimmo, waana sii jeclaaday Axmed Moogenimadaada.
Wajigaagu wuxuu ii sheegaa inaad tahay qof wanaag u dhashay, oo Illaahay iyo umaddaba ay jeclaadeen, waxaan kaa arkaa nuur saa’id ah, waad igu weyn tahay, habeenno badan ayaad ii nuurisay adduunkeyga si aysan iigu nuurin karin Justin Timberlake, 2Pac, Eminem JLO iyo qaar kaloo badan, wax badan ayaan ka bartay muuqaalkaaga ku xareysan Youtube ka.
Waxaan kaa helaa nasteexo iyo hawo caafimaad markaan dhageysto heesahaaga, waxaana oran karaa mugdiga ayay iga saaraan, mar mar baan jecleystaa inaan kuu heeso markaaga, haddana waxaan kuugu baddalaa duco iyo ammaan, gacaloow Illaahay janno ha kusiiyo.
Axmedoow, waxaan isku dayay inaan bal raadiyo inaan dunida ku arko wiil Soomali ah oo kuu eg, oo labbiskaaga, qabkaaga, dadnimadaada iyo quruxdaada leh si aan ugu soo faano ama aan ugu soo faano bulshada aan la noolahay, se waan soo waayay, nasiib xummo, kulli waxey iska dhigayaan dadyoow kale oo ummado kale ayay isku dabo qoraayaan.
Gacaloow, ugu danbeyntii ayaan go’aansaday inaan aniga nafteyda isku kaa ekeysiiyo oo aan timaha u jarto sidaada, shaarkaaga loo aqoon jiray shaar reer baadiyena aan xirto, maxaa yeelay aniga ima hureyso inaan muuqaalkaaga quruxda aan u arkee aan jeclaystay aan ka faa’iideysto, si aan aniga iskugu faano oo aan isku dareemo, dad badanna aan irdaha xoriyadda ugu ballaaqo.
Qaaligeeygoow, walaalkeyoow, wax badan inaan kaa reebto ayay iila ekaatay ilbaxnimaduba waa tan aan anigu aaminsahayee. Waxaana billaabayaa inaan kuu ekaado laba bilood kaddib hadduu Alle nafta igu simmo.