Saturday, February 25, 2012

Friday, February 17, 2012

Yaa dhalay duulkaa qalaad? WQ: Saida Sheikh Ahmed

                                   Looxa 17/02/2012


Waa qalinleey laba ah ama qoreyaal aad loo yaqaan, caan bay ka yihiin dadka wali dhaqankooda haysta oo qalinkoodaa loo yaqaan qalin dhex dhexaad laguna ixtiraamaa, haaheey aad baa loogu ixtiraamaa.

Goobta la joogaa oo lagu kulansan yahayna waa gole email ah oo lagu xallinayo loogana arrinsanaayo arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya, waa la doodayaa, oow aqoon-yahan, shahaaddo gaabloow tii iyo kii  ahaa oo dhan waa lagu dhan yahay. 


Labadaasi qalinleyda ahse  iyagu meesha sideey ku joogaan indho adeyg, waaba la quursanayaa, oo meesha dhan bayba caqabad ku yihiin, hoostaa laga leeyahay kuwani horta maxay golaha u dhex fadhiyaan? Maxaa dhex dhigay? May iskaga tagaan ooy hawl kale yeeshaan? Iyaguse si lama filaan ah ayaa loogu soo dhex tuuray meesha markaaseey is yiraahdeen meeshaan malaa wanaagsan inaad sii indho-indheysaan, inta badan waxay af Soomaaliga kusoo qoraan lama sii gudo galo laakiin mar mar kolkii ay meel buktay farta daraan ayaa af Soomaali ja-jaban loogu soo war celiyaa, oo dagaal lagu soo furaa, sidee baad arrimahaas uga hadashaan reer baadiye-yahoow? Xigashooyin qalaadna waa lagu soo afuufaa, markeey iyaguna xigtaan Abwaan Hadraawi, Abwaan AUN Ismaaciil Mire, Abwaan Xasan Ganeey... xasaasiyad baa kusii kacda aqoonyahan shahaaddo gaabloow. 


Labadaa qalinleey markii ay qalinkooda caddaaladeed wax ku xariiqaan waa arrimo si gaar ah u taabanaya qaarkood aqoon-yahanka shahaaddo gaabloow ee golaha, maxaa yeelay markii ay farta kor u taagaanba ama ay qalinka ka hadalsiiyaanba waa arrimmo gadaal u galaya hawlo ay daboolayaan ama fal xun oo beri dhexdaas ah ka dhacay mid ka mid ah beesha ay qaar kasoo jeedaan. Car ma ku dhacdaan badawiin yahay? oo hadde saas ah, sidaas nafteeda. Reer Miyi iyo reer Baadiyo iyagu macno mid ah bay u leeyihiinee,,, Sidee baadba ugu dhacdaan? Midka ku beesha ah, ama ku siyaasadda ah waa loo gafay, waa qof qiimo iyo darajo leh, meel baa looga dhacay. Car daacad ka noqo, car ka hadla qaladaadka ninkii beesheyda ahaa ama aanu siyaasad wadaagga ahayn.
Sheeko iska timid xittaa haddii lagu yiraahdo beri baa nin meel joogay uu gabar kufsaday ama qof dilay waxaa kusoo dhaci karta; oo toloow armaa meesha la keenaa ninkii aanu ilmo adeerka ahaynee berigaas saas yeelay..? 

Wax walboo ay sheegaanna labadaasi qoraa si isku hiillin ah ayaa liddi loogu wada yahay, illeeyn iyaga waxaa ka dhexeeya isku hiillin oo meel aan la muujin ayay ka xiriirsan yihiinee, misana si isu diiddan duulku. Way ka baqayaan qalinleyda sababtana, MOOYI bal adba? Dagaalka waa kan,, waryaada Af soomaaligiina iyo dhaqankiina tacbaanka ah ee danbeeya ku ekaada, meelahaan oo kale ka fogaada IWM. Marka wax la ruugayana My Dear meesha kama maqna.

Laguma yara rag iyo dumar golaha labada qalinleyda ahee golaha wada joogaa way is eegeyaan, su'aal bay rabaan inay is weydiiyaan laakiin si aay xittaa isku weydiiyaan ayay wali heli la'yihiinoo, se si isku mid ah ayay wax u tuhunsan yihiin, u dareensan yihiin, u yaabban yihiin, una murugeysan yihiin, tilmaamo aan lala garan karin ayay isku bixinayaan, seenyaalo, hoostana waa ay iska og yihiin iyagoo aan waxba isku sheegin way arkaan haddana hirkaan baasee nagu soo maqan, haddana in ay is weydiiyaan su'aasha waxay ka baqayaan in ay sheekadu bad weyn la dhex gasho, oo ay ku haftaan, oo yaa halahaasoo dhan sharxi kara muddo kooban? wayse arkayaan waxbaa jira, waxbaa si ah, waxbaa isku murugsan, waxbaa laaqan.

HOOGE god dheer buu ka qiiq leeyahay  
Wuu xiiqsan yahay, wuxuu soo aruurinayaa inta xigasho jirta ee uu af-qalaad ku maqlay, qaarkoodna Google buu maciinsanayaa, wuxuu halgan u marayaa Hooge inuu caddeeyo inuu wax badan dadka dheer yahay, meel kastaa waxaa ugu saxiixan Master of waxaas iyo waxaas ama PhD. Runtuse ciriiri buu ku jiraa, wuuna jaho wareersan yahay, ma kala yaqaanno halkuu ka yimid iyo halkuu u socdo, taasaa ku abuureysa welwel, noloshoo dhan ayuu ka shakisan yahay, waana niyad jabsan yahay, waxbaa gudihiisa gubaya oo luraya, Hooge ma yaqaanno waxa haya, wuxuu doonayaa inuu adiga kaa helo aqoonsi aad adigu siiso, inaad u  codeyso, inaad u sheegto inuu yahay aqoon-yahan, wuxuu doonayaa inaad qirto, inaad naftiisa siiso kalsooni, Soomaaliya ayuu isku mededaalinayaa inuu u yahay halyeey u kacay oo aqoontiisa uu ku bad- baadinaayo se kama marna toloow armaad adigaba u baahan tahay badbaado iyo gurmad? Kuma dhiiran karo inuu daah-rogo oo taasi shahaadadaa uu sheegayaa ka hor taagan, wali wax baa shidaya, wuu holcayaa Hooge, wuu qarxi rabaa, naftiisaa cadaawad ugu filan, wuuse hadlayaa oo hadba dhan buu jiirayaa oo uu madaxa la dhacayaa. Soomaaliya, Soomaaliya, Soomaaliya, TFG, Shabaab, Ahlu Sunna, Itoobiya, Kenya, AMISOM .........  Waa riwaayadda ugu wanaagsan. Adduunyada dusheeda ciddii af Soomaali ku hadleysana waaba laga shidaa dhaqankana haba kusoo hadal qaadin inkaari kugu dhacdayee ka daa wuu kaa naxayaa mar, marna xanuunkii baa kusii kacaya,  waa jiho wareersan yahayee ina adeeroow ka wareegso nabad haddaad rabto ka faan intaasba.  

Labadan qoraa ama qalinleyda ah meesheey wali soo taagan yihiin wali sidii bay shib u yihiin, midkoodna wali amuurahaan soo siyaaday waxba kama oran, toloow ma laga yaabaa in ay hadlaan, mise marqaati un bay waligood iska ahaan doonaan aan cidna u marag furin?

ISMOOG iyaduna?

Waxay kaaga sheekeysaa arrimo aan quseynin, waxay yaseeysaa ama quursanaysaa cidii af Soomaaligaba ku hadleysa, kamana dhex bixi karto dadkii Soomaaliyeed, wey daallan tahay, shaqo aan ahayn adduun ka ballaaran ma hayso, dagaal joogto ah ayay ku jirtaa, uma kala soocna mana kala taqaanno qaaradda Afrika, dadka madoow iyo qaddiyadda Soomaalida iyo halka uu xalka Soomaaliya ku jiro iyo xaaladda maanta, diyaar uma aha in ay si dhab ah ugu xeyd-xeydato ooy u dhabbo gasho si hoose, dood kastaa wey isku qaadeysaa, luuqadaha iyo sugaanta qalaad bay shubtay, dhaqamada qalaadna aad bay ugu horreysa, meelnase ma aqbalsana, meelna lagama aqbalsana, halgankeedu ma yara, xaggee u socotaa? xaggeese ka socotaa? Alloow sahal amuuraha.
u sheeg yey tahay, waryaa hooy haddaad nabad rabto QIR oo ku dheh waxaad tahay qof caqli badan, ku dheh waxaad tahay aqoon yahanad, ku dheh waxaad tahay qof loo baahan yahay, ku dheh caqligaaga caadi maahan iyo CAADI MA TIHID, haddii kale Wallaahi usha kugu dhacda aniga ha iisoo sheegin. Kalama taqaanno dhaqan iyo caado, wixii ka qaldamaba dhaqankaa eedahaas leh, iskuma shiddeyso in ay baarto waxbaba, isma weydiiso wax aadan baarin ood aqoonin sidee baad eedo ciidda ka badan ugu shubtaa...? Shantii daqiiqaba waxaa nooc kale ka dhigaaya waa dhaqamada kala duwan ee ku dhex dagaalamaya, taasoo gaarsiineysa in ay dhummiso xasiloonida iyo degganaanta, daqiiqad walbaa sidaad ku ogeyd maahan, waa la qoslayaa hadda in yar kaddib Toloow ma duul aan loo jeedin baa kusoo degay? Bal adba. Walaaleey aan ku weydiiye horta maxaad u taagan tahay? qaddiyadde? Activist ayaad tahay yaadse u tahay? Xaggee u socotaa koowdiiba? Bal inoo war bixi Ma Soomaaliya? Waayahee wixii aad sheegtayee kulligood wada qaldanaa; afkii, dhaqankii, diintii iyo wixii kale dhan sideen ka yeelnaa? Maxaa talo ah ? Jawaab ma jirto waad qaldan tahayee aamus waxba ma ogidee illeeyn danbiga aad gashaa waa af Soomaali baad ku hadleysaayee..... ma adaa wax ogba. 

Labadan qoraa meesheey wali soo taagan yihiin wali sidii bay shib u yihiin midkoodna wali amuurahaan soo siyaaday waxba kama oran, toloow ma laga yaabaa in ay hadlaan mise marqaati un bay waligood iska ahaan doonaan aan cidna u marag furin?

Golahaas lagu kulansan yahay labaduba waa qalinleydee waxay ka yihiin laba qof oo war moogeyaal ah, waa sida looga arko golaha, waa kuwo casriga iyo nolosha ka dhacsan, oo badaw ah, saa af Soomaali bayba ku hadlaanee maxayba garanayaan? oo way maah maahaan? oo sugaanteey ku xiran yihiin? UF sidee bay ku dhici kartaa qof ka qalin jabiyay jaamacadaha adduunka horumaray inuu af Soomaali iyo suugaan Soomaali qurun ah oo danbeysa ugu hadlayo una wadwadi karaa? Maya, maya, I think iskuulba waligood may taginee, I think waxba laga dhageysan maayo, waxbana laga wareysan maayo......

Hooyooyinkeen Illaahay danbigooda ha dhaafee markii ay caruurtooda kufaan bay si beerlaxawsi iyo naxariis ah ku dhihi jireen hah. Labada qalinleyda ahee badawnimadaa lagu caayayo way iskaga qanacsan yihiin wax walboo ay yihiinba iyo wax walboo ay haystaanba oo waa nabad iyo caafimaad qabaan, ka fiyoowyihiin xanuunada niyad jabka iyo kuwa ay la liitaan Hooge iyo Ismoog iyo kooxdooda goleha la jooga ee ay maskax wadaagga yihiin ama mataanaha, waxaase culeyska ugu weyn ay qabaan uu yahay labada qoraa illaa hadda way kala dhuumanayaan labaduba ismana weydiinayaan waxa ay arkaan, waxay isku maaweelinayaan teennaa na haysata, sida runta ahse way kala baxsadaan, maxaa yeelay waa hawl wakhti badan uu galayo oo aan loo baabac dhigi karin inkastoo culeys aad u weynna ay ku qabaan bal daah ka qaadidda la yaabkaan cusub, kuse qanacsan iyagu in ay yihiin kuwo nasiib badan oo markii ay muddo ku dhex noolaayeen nolosha jaho wareerka iyo isweynta iyo horta yaan ahaydaba bilaabay in ay ku taxmaan sidii xertii oo kale kaddib markii ay soo baareen halka ay ka yimaadeen ay kasoo jeedaan sidi ay ugu dhabbo galeenba sahankoodii wuxuuna hoggaanka ugu furay meel caafimaad qabta oo ay ku nasteen kuna nafiseen.

Monday, July 25, 2011

Sharraxaa la tummaayee maxaa sheekada keenay? WQ: Saida Sheikh Ahmed

Looxa 25/07/2011

Dad xeyn xeyn u socda, sawaxan, sacab, jiib iyo farxad dadku waa wada faraxsan yihiin wixii dhibay baa laga dul qaaday, waa loo bogayaa, waa la rabay, waana la isku wada hambalyeynayaa si kal iyo laab ah,


Sunday, July 24, 2011

Wiil u eg Axmed Mooge WQ: Saida Sheikh Ahmed

 Looxa 24/07/2011

“Ama horay ayaad u badatay (Duq baad tahay) mise ilbax ma tihid wali” ? Maalin kastaan maqlaa. Reer Baadiye ayaad tahay ayaa la ii daba dhigaa, haddaan qoraalka ku dhex qoslo waad ila yaabi doontaan mise waxaad iga sugaysaan inaan sida shabakadaha xiriirka bulshada sida looga qoslo aan anna ugu qoslo qoraalka? kkkkkkk maad iga sugeysaan? MAYA qoraalka laguma daro qosolka sidaas ah, ha ka yaabin, laakiin waxaan kuu sheegayaa inaan fuuray qosol dartii .

Friday, January 28, 2011

Xerada Foolaadka Bulshada! WQ: Saida Sheikh Ahmed

Looxani waa laga baxay waana la tiiriyay. 


Haa, aniga iyo adigu waa sideynu ku hishiinnay, af daboolan dahab, sidaas baan wax u qarsanaynaa waligeen, haddii kale in la is dilo ka yaab, oo mid xeyraansan oo ku dilo ama uu na dilaba, ama koox Qaad kasoo dharagtay oo mirqaansan ay xalka moodaan inuu kufsigu yahay dawo, ama mid iska maxabbeysay uu tooreey kuugu kala jeexaba, intuu yiraahdo cimrigey intaan noolaa ismaan lahayn waad arki doontaa ama hadduu rababa uu isagu is dooxo, isagoo innagaga dhigaya inaan dunida na lala joogi karin ama ay habboon tahay in dunida naloo banneeyaba, kan ugu roon baa ku dhihi kara“Cimrigaagoo dheeraada geel dhalaayaas ku tusaa”